Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee xarunta u ah Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa Isniintii lagu dilay gabar 11 jir ah kadib markii kufsi loo geystay.
Taliayaha Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Cali Siyaad ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah ragga loo heysto inay ka danbeeyeen falkaas.
“Dhacdad ka dhacday magaalada Jigjiga, waxaa ka dambeeyay afar nin. Baaritaano aan sameeynay kadib, waxaan soo qabanay mid ka mid ah, waana ku daba joogna saddexda kale” ayuu yiri taliyaha Booliska.



