Jig-jiga (Dawan)- Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Jig-jiga, waxaa si rasmi ah looga dhawaaqday in la diiwaan gelinayo dadkii hore loogu geystay tacadiyadda ka dhanka ah nolosha aadanaha.
Dr. Maxamad Xasan Qaasim oo ah Guddoomiyaha Guddiga Baaritaanka Tacadiyadii ka dhacay Deegaanka, ayaa caddeeyay inay bilaabatay diwaangalinta dadkii ay tacadiyada soo gaareen, si loo ogaado tacaddiyada dhacay heerka ay gaarsiisaynyihiin, tirada loo geystay sidoo kalena wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkii hore u dhacay.

Xukuumada Deegaanka Soomaalida ayaa tan iyo isbadalkii waxaay qorshe u qaadatay dhawrista xuquuqul isnaanka, iyada oo waxbadan laga qabtay ku dhaqanka sharciga iyo sareyntiisa.







