Jigjiga (Dawan)- Munaasibad qalinjabin ah ayaa loo qabtay 75 arday oo muddo 3 bilood ah baranayay xirfado gaagaaban oo ay bixiso Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Magaalada Jigjiga. Barnaamijkan waxbarasho oo ay si wadajir ah u soo diyaariyeen Kulliyadda Xirfadaha iyo Hay'adda ILO, ayaa waxaa ka faa'iidaystay dhalinyaro laga soo xulay magaalada Qabribayax iyo dadka qaxootiga ah ee ku sugan magaaladaas.
Dhalinyarada qalinjabisay waxay muddo saddex bilood ah baranayeen xirfado kala duwan oo ay ka mid yihiin layr-galinta, cunto karinta, qurxinta dumarka, iyo farsamada biyo-galinta, kuwaas oo gacan ka geysanaya kor u qaadidda shaqo-abuurka iyo xirfadaha shaqo ee deegaanka.







