Kismaayo (Dawan)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland ayaa digniin adag u dirtay shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya, iyada oo la socodsiisay inaysan ka degi karin garoonka diyaaradaha ee Raas-kambooni . Digniintan ayaa salka ku haysa xiisadda ka jirta deegaankaas, taas oo Jubaland ay ku tilmaantay mid halis ku ah badbaadada rakaabka iyo hantida dadwaynaha.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland, Cabdullaahi Dubbad Shiil, ayaa sheegay in shirkadi dhegaha ka fureysata digniintaas ay mas'uul ka noqon doonto cawaaqibka ka dhasha. Wasiirka ayaa ku adkeeyay shirkadaha inay raacaan amarrada Wasaaradda ee ku aaddan ka fogaanshaha aagga Raas-Kambooni.
“Xaaladda colaadeed ee ka jirta Raas-kambooni waa mid halis ah, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo badbaadada dadka iyo hantida Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka oo war-saxaafadeed soo saaray.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada duulimaadyada ay waajib ku tahay inay la shaqeeyaan maamulka garoomada ee Jubaland, iyada oo la fulinayo amarkii wasaaradda kasoo baxay 30-kii November, waxayna Jubaland ay ku goodisay in tallaabo adag laga qaadi doono shirkad kasta oo jebisa amarkaas.






