Kismaayo (Dawan)- Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo, halkaas oo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan mar kale loo doortay inuu sii hayo xilka Guddoomiyaha Golaha.
Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, oo hore u ahaa Guddoomiyaha Golaha, ayaa ku guuleystay codad dhan 65 cod, halka Ismaciil Cabdi Keeroow oo la tartamayay uu helay 7 cod .Waxaa sidoo kale la diiwaan geliyay 3 cod oo xumaaday, sida uu sheegay Tv-ga ku hadla afka Jubaland



