Kismaayo (Dawan)- Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka inay ku howlantahay siyaasadeynta dagaalkii lagula jiray ururka Al-shabaab ee ka socday degaanada hoos taga maamulka Jubaland, waxayna ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta.
Sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in Ciidmada Xooga ay kaso baxaan furimaha hore ee gobolka Jubada Hoose.



