Kismaayo (Dawan)- Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedeysay madaxtooyada Soomaaliya inay lacag ku bixineyso dacaayad ka dhan ah madaxda lagu casuumay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda.
Agaasimaha xiriirka dadwaynaha iyo madaxtooyada Jubalanad, Maxamed Xasan Xiis ayaa bartiisa Facebook ku qoray sidan; " Madaxweyne ma waxaa jirta rajo aad wali ka qabto ergooyinka aad soo dirayso inay xal ka keenan kala aragti duwananta jirta iyadoo Agaasimahadii Warfaafinta iyo Xafiiskaagu ay Lacag ku bixinayaan cayda iyo dacaayada Madaxda aad ku casuuntay shirka madasha"



