Muqdisho – Madaxtooyada Jubaland ayaa si adag uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah uga hadashay tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib ku dhawaaqistii ururka Cadaaladda iyo Wadajirka.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Jubaland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu muujiyay xilkasnimo darro baahsan, isla markaana ku fashilmay hoggaaminta dalka, isagoo ku tilmaamay in tallaabadiisu ay horseedayso xaalad halis ah oo dalka ka taagan.
Jubaland waxay sidoo kale tilmaantay in tallaabada madaxweynaha ay si cad uga hor imaaneyso dastuurka dalka, isla markaana dhaawac weyn u geysaneyso midnimada Soomaaliya. Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in awooddii baarlamaanka la maroorsaday, taas oo ka dhigtay xildhibaannada labada gole kuwo fadhiid ah oo aan si hufan u gudan karin waajibaadkooda ilaalinta dastuurka iyo kormeerka xukuumadda.





