Kismaayo (Dawan)- Ciidamo ka tirsan guutada Gorgor ee millatariga Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Raas Kambooni, oo ku yaalla qiyaastii meel 270 km kaga beegan koonfurta magaalada Kismaayo.
Ciidamadan ayaa halkaas lagu geeyay diyaarado, sida ay muujiyeen muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada. Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku sheegtay ujeeddada ciidamadan loo geeyay Raas Kambooni inay qayb ka tahay qorshaha ay sigidda amniga kala wareegayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.
Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Gorgor, Xasan Aadan Maxamed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay sii laba jibbaari doonaan howlgallada ka dhanka ah ururuka Al-shabaab.
"Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxay si buuxda uga soo degeen garoonka Raas kambooni ee degmada Badhaadhe, iyada oo u jeedku yahay in ciidamadu la wareegaan dhamaan goobaha ay ciidamada aan walaalaha nahay ee ATMIS ay ka baxeen" sidaas waxaa yiri, Taliye Xasan Aadan





