Kismaayo, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah uga digtay shacabka Jubbaland qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo sheegtay in arrintani ay khilaafsan tahay shuruucda Jubbaland.
War-saxaafadeedka maanta kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in sharci kasta ama nidaam aan si rasmi ah looga heshiin uusan qayb ka ahayn nidaamka Jubbaland, waxaana lagu tilmaamay Kaarka Aqoonsiga Qaranka mid u adeega dano siyaasadeed oo gaar ah.
“Waxaanan u aqoonsanahay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid loogu talagalay in lagu meel mariyo dano siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.





