Liverpool (Dawan)- Kooxda Liverpool ee ka dhisan dalka England ayaa maanta oo Jimca ah ku dhawaaqday in tababaraheeda reer Jarmal ee Jurgen Klopp uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan (2023-2024) kadib markii uu ku wargaliyay milkiilayaasha kooxda in uu doonayo in uu booska banneeyo.
Go'aankan ayaa kedis ku noqday dhammaan taageerayaasha kooxda Liverpool oo aad ula dhacsanaa qaabka tababaranimo ee Klopp tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray 2015
Bayaan ay Liverpool soo dhigtay website-keeda rasmiga ah ku tiri: “Kadib markii uu Reds ku hogaamiyay finalka Wembley fiidnimadii Arbacada, 56 jirkaan (Klopp ) ayaa sii wadi doona hoggaaminta tababaranimo ee kooxda inta ka hartay xilli ciyaareedka 2023-2024 ka hor inta uusan soo gabagabeynin sideed sano uu ahaa Macallinka kooxda"
Bayaanka ayaa intaas ku daray in kaaliyayaashiisa Pepe Lijnders iyo Peter Krawietz ay sidoo kale ka tegi doonaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Klopp oo waraysi siinayay website-ka Liverpool ayaa yiri, “Waan fahmi karaa in ay kedis ku tahay dad badan wakhtigan, marka ay maqlaan go'aanka laakiin waan u sharraxi karaa "






