By Abukar Osman
Muqdisho (Dawan)- Waxaa Soomaaliya laga xusay maalinta caalamiga ah ee haweenka injineerada ee ku began 23-ka Juun 2025. Munaasabaddan oo lagu qabtay Muqdisho, waxaa lagu dhiirigeliyay haweenka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya xirfadda injineernimada, iyagoo ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Ururka Injineerada Soomaaliyeed (SEA) iyo Midowga Gabdhaha Injineerada Gobolka Banaadir.
Sanadihii ugu dambeeyay, haweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen horumar ballaaran oo ku aaddan barashada xirfadaha injineernimada. Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa jira dad ay ka dhaadhacsan tahay in haweenka aysan awoodin inay bartaan ama ka shaqeeyaan injineernimada.
Munaasabaddan ayaa xusid gaar ah siineysay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarinta xirfadda injineernimada, hal-abuurka, iyo dhismaha mustaqbalka dalka.
Idman Cabdiraxman Cali, oo ah injineerada ka tirsan kooxda dhismaha, ayaa ka sheekeysay sidii ay ku barato xirfadda injineernimada. Waxay tiri: “Markii aan yaraa ayaan jeclaan jiray inaan noqdo gabar injineer ah, maadaama dhibaatooyin badan oo wadanka ay jiraan. Waxaan is-dhahay, way kugu habboontahay inaad barato kuliyadda injineernimada. Waana ka miro-dhaliyay, waxaana haatan taaganahay inaan ku shaqeeyo, waxaana dhiirrigelinayaa gabdhaha Soomaaliyeed inay bartaan.”







