Somaliland (Dawan) — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay kulan la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee kala ah WADDANI, KAAH iyo KULMIYE, si looga wada hadlo qabanqaabada doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.
Doorashooyinkan ayaa horay u muddeeysnaa 31-ka May 2026, balse waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo muddo 10 bilood ah, kaddib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda guud ee dalka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta wada-shaqeynta siyaasadeed, iyo ka tashiga waqtiga, habraaca iyo duruufaha ugu habboon ee ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in xaaladaha amni ee deegaanno ka mid ah dalka, iyo abaaraha baahsan ee saameeyay nolosha bulshada, ay caqabado waaweyn ku yihiin qabsoomidda doorashooyinka waqtigii loo qorsheeyay.





