Guddiga Doorashooyinka ayaa magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ka wada ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka, halka mid ka mid ahna loo diray qalabka diiwaangelinta dadweynaha.
Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa 23-kii Juun 2025 billoway howlaha daabulidda agabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ku wajahan magaalada Dhusamareb ee Dowlad-goboleedka Galmudug kaas oo ahaa afar tan.
Agabka waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka ambabixiyey Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Abdikarim Ahmed Hassan, iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qalabkaan loo adeegsan doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha Galmudug oo Dhuusa Mareeb kow ka tahay , kadibna loo sii gudbi doonaa degmooyinka kale ee Galmudug.
"Maanta waa maalin weyn oo dadka Soomaaliyeed loo muujinayo in guddiga uu jiheysateen Golabalda kale ee dalka, kadib markii aan gabegebo marsiineyno diiwaangelinta Muqdisho, ," ayuu yiri Guddoomiyaha.







