GALMUDUG (DAWAN)- Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada maamul goboleedka Galmudug ka socday abaaubl dagaal oo ay wada gelayaan ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka, inkasya oo ay soo baxayso cabsi laga qabo in dagaalka looga faa’iideysto in beelaha qaar helaan dhul aysan hore u degganayn.
Waxaa la qorsheynayaa inuu dhawaan bilaawdo dagaalka wajiga labaad ee ka dhan aka ah xoogaga Al-shabaab kuwaas oo ku sugan degaano ka mid ah gaobalka Galgaduud.
Dagaalka waxaa qeyb libaax ka qaadanayaa ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macaawisley kuwaas oo weji cusub u yeelay tan iyo markii ay kusoo biireen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Shir jaraa’id uu qabtay Cabdiqawi Qaasim Shirwac oo ka mid ah oday dhaqameedka kasoo jeeda Galgaduud ayuu uga hadlay qataraha ka dhalan kara in ciidan beeleed dagaal usoo aado deegaan beel kale, iyada oo laga yaabo in hore dagaal uga dhaxeeyay.





