New York (Dawan)- Kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ah shirka diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee dunida ayaa maanta oo Talaada ah ka furmaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Shirka oo socon doona 24ka ilaa 30ka bishaan, waxaa furaya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxaana shir guddoomin doona Madaxweynaha Cameroon Philemon Yong.
Sanadkan waxaa ka khudbad ka jeedin doona shirka 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku xigeen, labo amiir, 42 ra'iisul wasaare, 9 ra’iisul wasaare ku xigeen, 54 wasiir, hal wasiir ku xigeen iyo lix kale oo ergo ah.
Tiradaas waxaa haween ka ah kaliya 19
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku jira madaxda khudbadahooda jeedin doonta maanta.
Dagaalada ka socda Bariga Dhexe, Ukraine, Haiti iyo Suudaan ayaa ka mid ah ajendaha shirka oo halku dhig looga dhigay sanadkna inaan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.
Soomaaliya waxaa ku metelaya ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.





