Addis Ababa (Dawan)- Shirkii 44-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka billaawday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa ka qeyb gelaya shirka, iyada oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu safar ku tago Itoobiya tan iyo markii uu bilaawaday khilaafka dhanka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiir Cali Cumar Cali (Balcad) oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysatay in Ciidamada xoogga dalka loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo cirib tirka kooxaha Al-Shabaab, sida ay tebisay Wakaaladda Qarananka Soomaaliyeed ee SONNA.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu diiyaar garowday la wareegidda amniga guud ee dalka ka dib bixitaanka ATMIS.
Sidoo kale, Kalfadhiga 37-aad ee shir Madaxeedka Midowga Afrika (AU) ee diiradda lagu saarayo waxbarashada ayaa lagu wadaa inuu Addis Ababa ka dhaco maalmaha 17-ka illaa 18-ka February 2024-ka.
Sannadkaan 2024-ka, Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in uu ahmiyad gaar ah siiyo waxbarashada iyo tababarrada iyadoo halku dhigga sannadka laga dhigay Waxbarashada Afrika ee la jaan qaadi karta Qarniga 21-aad, iyada oo la hiigsanayo Dhisidda Nidaamyo Waxbarasho oo tayo leh si loo baahiyo Waxbarashada.





