Muqdisho (Dawan)- Waxaa qortay Xildhibaan Maryan Faarah Kaahiye
Waxaan cambaareynayaa sida foosha xun ee loogu tuntay Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Fadaaralka Soomaaliyeed. Arrinkaa waxaa ceebtiisa bilow ilaa dhammaad leh Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si bareer ah ugu tuntay dhammaan shuruucdii lagu soo doortay iyo xaraf walba oo buuga akhlaaqiyaadka dowladeed lagu qoray.
Ummadda Soomaaliyeed waxay la yaabtay in Madaxweynaha loo doortay JFS uu soo diro hadallo isburinaya,oo u muuqda kuwo shacabka lagu jaah-wareerinayo:bal eega intaas kaddib,Go'aankii Shirka laga soo saaray oo astaan cad u ah kala dirridda shacabkeena qaaliga ah iyo baab'inta shuruucdii wada oggolka lagu ahaa!
Mas'uuliyadda 2aad waxaa leh Labada Gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo ah wadnaha Dowladnimada;waxaa nasiib darro ah in Labadii Gole noqdeen Qalin gacanta Villa Soomaaliya ku jira. Waxaan aad ula yaabay qaar kamida Maamul Goboleedyada oo aqbalay in lagu tunto Dasaatiirtii lagu soo doortay iyo kuwa guud ee JFS.






