Ankara 18 December 2025 (Dawan)- Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga Soomaaliya iyo Ururka Warshadaha Turkiga ee OYAK ayaa heshiis istiraatiiji ah ku aasaasay shirkad cusub oo lagu magacaabo SOMTURK, taas oo loo xilsaaray maamulka iyo bixinta dhammaan oggolaanshaha kalluumeysiga ee biyaha Soomaaliya.
Heshiiskan, oo la saxiixay 16-ka December 2025, ayaa dhigaya in SOMTURK ay noqoto hay’adda kaliya ee mas’uulka ka ah habraacyada shati-siinta, kormeerka iyo nidaaminta hawlaha kalluumeysiga gudaha, iyadoo ujeedadu tahay in la helo hannaan hufan oo mideysan, laguna ilaaliyo khayraadka badda Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in SOMTURK ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, kobcinta shaqo-abuurka, iyo soo jiidashada maalgashi casri ah, isla markaana ay fududeyn doonto ka-qeybgalka shirkadaha kalluumeysiga Turkiga ee suuqyada Soomaaliya.




