Washington (Dawan)- Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa u dareeraya goobaha cod bixinta, maanta oo Talaadada, si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxtinimada ee 2024-ka, oo ay ku tartamayaan Kamala Harris iyo Donald Trump.
Doorasahdii ugu xumeed Mareykanka
Waa doorashadii ugu xumeed ee soo marta taariikhda Mareykanka, sida uu qoray wargeyska Washington Post. Trump oo afartii sano ee lasoo dhaafay wajahayay eedeymo culus ayaa laga yaaba inuu markale noqdo Madaxweyne ama waxaa suurtagal ah in Kamala noqoto haweeneydii ugu horeysay ee xukunta dalka ugu awoodda badan dunida.
Labadoodaba waxaa lagu dhaliilay inaysan soo badhigin qorshe cad iyo siyaasadda ay ku hogaamin doonaan Mareykanka sanadaha soo socda.
Marka la eego dhaqaalaha, Trump iyo Harris midkoodna ma soo bandhigin sida uu ku xallin doono dhibaatada deynta gudaha , taas oo kor u kacday $ 1.8 trillion sannadkii hore.
Xisbiga Jamhuurigu waxay ku guul darreysteen inay keenaan bedelka Trump oo ah eedeysane loo haysto dembiyo waawayn, sidoo kale Dumuquraadigu waxay ku qasbanaadeen inay Kamala ku bedelaan Biden oo ay isagu darsantay duqnimo iyo siyaasad aan miisaan ku soconin xilli ay dunidu halgan ugu jirto in la xakameeyo awoodda halka dhinac ah ee laga dhaxlay dagaalkii qaboobaa.






