Mogadishu (Dawan) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhin jiray Soomaaliya, Kani Torun, ayaa sheegay in gooni isu-taagga Somaliland uusan ahayn mid xaqiiq ku dhisan marka loo fiiryo qowmiyadda, diinta iyo afka, isagoo ku tilmaamay arrin si gaar ah ugu kooban qabiilka.
Torun ayaa ku doodday in nidaamka federaalka uu yahay habka ugu habboon ee lagu maamuli karo Soomaaliya, maadaama haddii qabiil walba oo Afrika ku nool uu dal madaxbannaan yeesho, qaaraddu ay yeelan lahayd in ka badan 500 dowladood.
“Somaliland, ma jirto wax ay kaga duwan tahay maamulada kale ee Soomaaliya Qabiilka Mahane. hadii qabiil kasta uu dowlad noqon lahaa Africa waxa ay yeelan lahayd in ka badan 500 oo dal” ayuu yiri C. Kani Torun.
Diblomaasigan ayaa tilmaamay in mushkiladda ugu weyn ee ka jirta xiriirka Muqdisho iyo Hargeysa aysan ahayn Somaliland oo keliya, balse ay tahay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya.





