Nairobi (Dawan)- Afar qof ayaa ku dhimatay sagaal kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen gaari nooca dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaano Mataatuuda iyo gaari Bas ah .Darawalkii kaxaynayay gaarika Mataatuuda iyo 3 qof oo rakaab ahaa ayaa isla goobta ku nafwaayay, sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Kenya.Shilkaan ayaa ka dhacay wadada isku xirta Eldoret iyo Nakurusi gaar ahaan aagga loo yaqaano Hill Tea.Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa la geeyay Isbitaalka Eldama Ravine, halka Meydadki la dhigay goobta meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka Ravine .
Afar maalin ka hor ayay ahayd markii 44 qof ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka loo yaqaano Londiani ee Ismaamulka Kericho.
Bartamihii bishii hore, 12 qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay waddada u dhexeysa magaalooyinka Kisumu iyo Bondo ee Kenya.






