Nairobi (Dawan)- Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto duulimaadyadii rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka October 2024, iyadoo sabab uga dhigtay caqabado ku saabsan howlgalka.
Bayaan uu soo saaray Allan Kilavuka, Agaasimaha Guud iyo Maamulaha Kenya Airways, ayaa lagu muujiyay mahadnaq ballaaran oo loo diray Safaaradda Kenya ee Muqdisho iyo mas'uuliyiinta dowladda ee taageerada joogtada ah iyo fahamka ay u yeesheen go’aanka shirkadda.
Kilavuka wuxuu xusay in go'aanka la gaaray kadib markii si qoto dheer loo falanqeeyay xaaladda suuqa ganacsiga, isagoo adkeeyay in go’aanku yahay mid ku jira danta ugu fiican ee shirkadda. “Waxaan codsaneynaa inaad fahamtaan isbeddelkan lama filaanka ah, kaas oo laga yaabo inuu dib u riixo horumarka wanaagsan ee la gaaray ilaa hadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.



