Nairobi (Dawan)- Madaxa Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Guddigu uu u soo jeediyay xukuumadda in ay ka laabato soo jeedinteeda ku saabsan canshuuraadka cusub ee lagu soo rogay gaadiidka iyo rootiga, taas oo dhalisay caro xoogan iyo dibad baxyo looga soo horjeedo.
Isbedelka lagu sameeyay canshuurta ee ku jira hindisaha xukuumadda ee miisaaniyad sannadeedka 2024/25 ayaa ah dadaalkii ugu dambeeyay ee maamulka madaxweyne William Ruto uu ku doonayo inuu kor ugu qaado dakhliga loona dhimo amaahda.
Sannadkii hore, dowladda Kenya waxay casnhuur ku soo rogtay guryaha iyo adeegga Nidaamka Caafimaadka Qaranka, waxaana ka dhashay sidaan oo kale mudaaharaadyo xoogan oo looga soo horjeeday go'aanka xukuumadda.
"Waan dhagaysanay aragtida dadka Kenyaanka ah, waxaan u baahanahay inaan ka ilaalino kor u kaca qiimaha nolosha," ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Kenya, Kimani Kuria oo saxaafadda la hadlay kaddib kulan ay la yeesheen xildhibaano ka socday Madaxweyne William Ruto.
Wuxuu intaas ku daray in Guddiga Maaliyaddu uu soo jeediyay in la joojiyo canshuurta cusub ee lagu soo rogay gaadiidka, meeshana laga saaro canshuuraha lagu kordhiyey adeegga taleefannada gacanta, iyo rootiga.
Dhanka kale, Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay boqolaal qof oo mudaaharaad ka dhigayay goobo ku dhow xarunta Baarlamaanka dalkaas.
Muthoni Wanjiku, oo ka mid ah dibadbaxayaasha, ayaa u sheegay Reuters, "Xitaa hadda ka dib ma iibsan karno xafaayadda carruurta, waxaan rabnaa in dowladdo arrintaan wax ka qabato."



