Nairobi (Dawan)- Dowladaha Kenya iyo Romania ayaa kala saxiixday afar heshiis oo lagu xoojinayo iskashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga, xilli Madaxweynaha Romania uu booqasho shaqo ku marayo maalmahaan Kenya.
Heshiisyada lakala saxiixday ayaa khuseeya ganacsiga iyo maalgashiga, ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabadka isbeddelka cimilada, iskaashiga siyaasadda iyo Beeraha.
Madaxweynaha Kenya, William Samoi Ruto, ayaa sheegay in labada dal ay baadi goobayaan istaraatiijiyado lagu kobcinayo ganacsiga iyo maalgashiga, gaar ahaan fursadaha maalgashi iyo sidii loo soo jiidan lahaa maalgashiga shisheeye oo toos ah .
"Waxaan isla garanay baahida loo qabo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya dalalkeena, ilaalinta deegaanka, iskaashiga siyaasadda iyo in bulshadu ay ka qeyb qaadato nabadaynta iyo dimoqraadiyadda" ayuu yiri Madaxweyne Ruto.
Madaxweyne Ruto ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda uu heshiiskaan u leeyahay iskaashiga mustaqbalka ee Kenya iyo Romania.
"Hirgelinta heshiisyadaan is-afgaradka ah waxay kor u qaadi doonaan xiriirkeenna oo noqon doona iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan diiradda lagu saarayo" ayuu raaciyay hadalkiisa Ruto.




