Kisumu, Kenya – 27 Janaayo 2026 (Dawan)– Guddoomiyaha Gobolka Kisumu, Prof. Anyang’ Nyong’o, ayaa shaaciyey in gobolka uu ku tallaabsaday horumar weyn oo dhinaca adeegyada caafimaadka ah, isagoo tilmaamay in hirgelinta Kenya Quality Model for Health Plus (KQMH+) ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo tayada daryeelka caafimaadka ee heer gobol iyo heer qaran.
Nyong’o ayaa sheegay in qaabkan cusub uu xoogga saarayo xog uruurinta, adeegyada dijitaalka ah, tababarada joogtada ah iyo isla-xisaabtan, taasoo si toos ah ula jaanqaadaysa istaraatiijiyadda caafimaadka ee gobolka iyo isbeddellada caafimaadka ee qaran.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Muhoroni County Hospital dib loo cusboonaysiiyey, iyadoo la hagaajiyey qeybihiisa kala duwan sida biyaha iyo nadaafadda , isla markaana loo diyaariyey adeeg 24-saacadood ah. Lumumba County Hospital waxaa laga hirgeliyey nidaam dijitaal ah oo buuxa, halka kalkaaliyayaasha caafimaadna ay hadda isticmaalaan sawirro dijitaal ah, taasoo yareyneysa go’aan qaadashada isla markaana badbaadisa nolosha bukaanka.
Sidoo kale Katito Sub-County Hospital ayaa la cusboonaysiiyey iyadoo loo dhamaystiray agabyada korontada laga dhaliyo cadceed, Wi-Fi iyo CCTV, taasoo xarunta ka dhigtay meel shaqeysa 24-saac dijitaalkuna yahay udub dhexaad si loo joogteeyo adeegga caafimaadka.





