Nairobi (Dawan)- Guddiga Adeega Macalimiinta dalka Kenya ee loo yaqaano TSC ayaa sheegay in ay sanadkaan qaadan doonaan 20,000 oo Macallimiin cusub ah halka la dallacsiin doona in ka badan 36,000 oo Macallin
Sida ay sheegtay Gudomiyaha Guddiga Adeegga Macallimiinta, Nancy macharia, shaqaaleysiinta Macallimiinta cusub oo dhawaan billaaban doonto aya loogu dan leeyahay sare uu qaadida tayada waxbarashada ee dalka Kenya.
Nidaamka cusub ee waxbarashada laga dhaqan geliyay dalka Kenya sannadkii hore aya abuuray bahi weyn oo loo qabo in la qaato Macallimiin cusub.
Dusiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka Kenya ayaa u baahan Macallimiin gaaraya 42,117 si la isagu dheeli tiro tirada Macallimiinta iyo ardayda Dugsiyadaas.



