Nairobi (Dawan)- Boliiska Kenya ayaa billaabay baadigoobka nin ay sheegeen inuu ka dambeeyay dilka 42 haween ah, isla markaana uu jarjaray jirkooda kaas oo ka baxsaday xabsi ku yaal caasimadda Nairobi.
Collins Gumisi (33 jir), oo Boliisku ku tilmaamay dhiigya cab, maskaxda loogu jiro ayaa la xiray bishii hore, ka dib markii meydad la jarjaray laga helay goob qashin qub ah oo ku tal xaafad isku raran ah oo ka tirsan caasimadda Kenya ee Nairobi.
Afhayeenka Boliiska Kenya Risila Onyango ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse, in la billaabay baaritaanno iyo howlgal ballaaran oo la doonayo in dib loogu soo qabto ninkaas iyo maxaabiis kale oo ka baxsatay xabsiga kuwaas oo tiradoodu dhantahay 13 qof.
Maxaabiista ayaa ku guuleystay inay ka fakadaan Saldhigga Boliiska ee ku yaal agagaarka Gigiri ee Nairobi, oo ah goob si wayn loo ilaaliyo ayna ku yaalaan xarunta Qaramada Midoobay iyo safaarado badan
Waa markii labaad muddo 6 bilood gudahood ah oo uu xabsiga ka baxsado eedaysane loo haysto kiis la xiriira dil.
Bishii February ee la soo dhaafay, Kevin Kangethi, oo Kenyan ah laguna eedeeyay inuu dilay saaxibtiis ayaa ka baxsaday saldhig Boliis, balse dib ayaa loosoo qabtay toddobaad ka dib.





