Nairobi (Dawan)- Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka Kenya, Davis Chirchir ayaa beeniyay wararka sheegaya in shirkadda Adani ee laga leeyahay dalka Hindiya lala galay heshiis kama dambeys ah oo muddo 30 sano loogu wareejinayo maareynta garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta.
Wasiirku waxa uu guddiga arrimaha waddooyinka , gaadiidka iyo guriyeynta ee Aqalka Sare u sheegay in wada hadallada arrinkan ku aaddan ay marayaan heer sare balse ilaa iyo hadda aan la saxiixin is-afgarad dhameystiran.
Chirchir ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ku howlan tahay in la qiimeeyo awoodda farsamo iyo midda dhaqaale ee shirkadda Adani iyadoo la adeegsanayo nidaamka maalgashiga ee u dhexeeya dowladaha iyo waaxyaha gaarka ah ee loo yaqaano (PIP).
Wasiirka ayaa xusay in ilaa iyo hadda lagu heshiiyay kaliya qodobbada shuruudaha wada xaajoodyada, isaga oo caddeeyay inuusan jirin hadda wax heshiis ah oo ay wada gaareen labada dhinac.
Guddiga arrimaha waddooyinka , gaadiidka iyo guriyeynta ee Aqalka Sare ayaa u yeeray wasiirka kadib markii ay shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ay sameeyeen shaqo joojin ay uga soo horjeedaan in shirkad ajnabi ah lagu wareejiyo maamulka garoonka.







