Garissa (Dawan)- Shacabka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa guul u arkay go'aanka lagu dhawaaqay ee dib u furista xafiiska socdaalka ee Garissa, kaas oo la filayo in lagu soo celiyo shaqadiisa laba toddobaad gudahood.
Guddoomiyaha gobolka Waqooyi-bari John Otieno aya shaaca ka qaaday in 95% la dayactiray Xafiiska oo markii hore la qorsheeyay in la furo 1-dii July ee sanadkii hore, laakiin dib u dhac ku yimid kadib markii loo wayay goob ku habboon xafiiska.
Xafiiska socdaalka ayaa la xiray sanadkii 2014 kaddib markii weerarro oo isdaba joog ah ay ka dhaceen gobolka taas oo keentay in shaqaalaha xafiiska ay u baqaan naftooda. Xiritaanka waxaa amray Maj-Gen Gordon Kihalangwa, oo markaas madax ka ahaa waaxda socdaalka.
Tani waxay dhibaato weyn ku noqotay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa codsanayay baasaboorka si ay ugu safraan, sida xujayda iyo dadka doonaya inay soo cimraystaan.






