Nairobi (Dawan)- Qorista dhallinyarada ku biireysa ciidamada difaaca Kenya ayaa ka billabatay guud ahaan dallka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada.
Waxaa la arkaayay kumanaan dhalinyaro Kenyaan ah oo safaf dhaadheer ugu jira xarumaha la iska diiwaan geliyo si ay ugu biiraan ciidamada Difaaca.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa qeylo dhaan ka muujiyay sida ay wasaaraadda Gaashaandhiggu u qoratay ciidamada sannadihii lasoo dhaafay, iyaga oo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo wax is daba marin.
Wasaaraadda Gaashaandhigga Kenya ayaa hore ugu digatay muwaadiniinta inay laaluush ku bixiyaan is diiwaan gelinta, waxeyna la wadaagtay numberada sida tooska ah loola xiriiri karo si looga fogaado laaluushka.
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay sida ay wasaaradda uga go’an tahay in la qabto hanaan shaqaaleysiin ciidan ah oo hufan.



