Nairobi (Dawan)- Kenya ayaa martigelinaysa shirkii ugu horreeyay ee cimilada Afrika, kaas oo looga hadlayo u nuglaanshaha isbeddelka cimilada qaaradda Afrika iyo caalamka.
Shirkaan oo bilaawaday maanta oo isniin ah, waxaa ka qeyb gelaya madaxda Afrika, mas’uuliyiin ka socda hay’adaha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan arrimaha cimilada John Kerry, wuxuuna socon doona ilaa 6-da September.
Madaxda ayaa ka doodi doonta inta uu shirku socdo natiijada ka soo baxday ballan qaadyadii hore loo sameeyay, caqabadaha hortaagan wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo soo xoojinta dadaalada ay dalalku ku howlanyihiin si loo badbaadiyo qaaradda Afrika.
Shirkaan ayaa laga soo saari doona Baaqa Nairobi oo wax looga qabnaayo isbeddelka cimilada si loo kordhiyo cagaarinta iyo maal gelinta dalalaka Afrika kuwaas oo wajahaya qataraha isbeddelka cimilada.
Midowga Afrika iyo saaxibada caalamka ayaa iska kaashanaya hirgelinta qorshahaan la rabo in looga hor tago saameynta isbeddelka cimilada, waxaana la abuuraya madal la isku dhaafsado argatiyada dalalka afrika iyo Beesha Caalamaka .








