Garissa (Dawan)- Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Kenya, Erick Ruto ayaa ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan in caanaha geela loo dhoofiyo dalka Shiinaha kadib marki ay ka heleen dalabaad la xiriira arrintaas.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Shiinuhu dalbaday sagaal milyan oo litir oo caanaha geela ah sanad walba, waxaana kasoo xaroon doona lacag dhan 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah.
Hadalkan ayuu Guddoomiyuhu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Gaarisa oo lagu daah furayay qorshaha istaraatiijiyadeed ee afarta sano ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Kenya iyo waaxda warshadaha ee Garissa.

Tillaabadan ayaa loo arkaa in ay fursad ganacsi oo muhiim u tahay xoola dhaqatada ku nool gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya, waxaana loogu baaqay in ay ku dadaalaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahida dhanka caanaha geela iyo sidii loogu dhoofin lahaa dibadda.
Erick Ruto ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jirto fursad kale oo dalka Cummaan loogu dhoofinayo 500 oo tan oo hilibka idaha ah, waxeyna Kenya ka heli doontaa 8.1 bilyan oo lacagta dalkaas ah.
"Caalamka waxaa ka jira baahi dhanka xoolaha ah, waana fursad ay muhiim tahay inaan uga faa'iideyno ganacsatadeena oo aan ku xirno suuqyada caalamiga ah" ayuu yiri, Erick Ruto







