Sool (Dawan)- Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si cad u beeniyay warar lagu baahiyay warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha cusub ee Somaliland si ay uga wada hadlaan arrimaha Ceerigaabo.
War-saxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa warkan ku tilmaamay mid aan "sal iyo raad lahayn", ayna faafiyeen dad ay ku sheegeen inay la shaqeeyaan cadawga. Maamulka ayaa xusay in arrintan loo gudbiyay laamaha sharciga si baaritaan loo sameeyo, isla markaana caddaaladda loo hor keeno cid kasta oo ku lug leh faafinta wararka " been abuurka ah".
SSC-Khaatumo ayaa ku adkeysatay in aysan jirin, isla markaana aysan jiri doonin, xiriir toos ah ama mid dadban oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka SSC-Khaatumo. Waxay Somaliland ku eedeeyeen dambiyo dagaal oo ka dhan ah shacabka iyo deegaannada SSC-Khaatumo, iyagoo ku tilmaamay in Somaliland tahay "maamul dhiigyacab ah".



