Muqdisho (Dawan)- Ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa hoggaanka dalka uga digay inay sameeystaan muddo kororsi abuurki kara khilaaf cusub iyo xasilooni darro keeni karta dhibaato hor leh oo kala dhantaasha midnimada dalka Soomaaliyeed.
"Jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan waa in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026"
Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmaya, iyada uu maanta Muqdisho ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhowr jeer dib u dhacay sababo la xiriira xiisadaha dalka ka jira.
Khayre waxa uu sheegay in shirku kusoo aaday, iyada uu jiro khilaaf xoogan oo Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay madaxda inay mas'uuliyad iska saaraan samatabixinta iyo badbaadinta dalka.





