Muqdisho (Dawan)- Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyay heshiiska maanta Magaalada Addis Ababa ku dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee ku saabsan in Itoobiya ay hesho Bad.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qoranaa sida soo socota
Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya.
Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah, oo kala mudan is-xaqdhowr iyo wax-wada-qabsi ku dhisan isixtiraam qarannimada dal walba, waana wax aan la aqbali karin in Addis Ababa ay maanta ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.



