Addis Ababa (Dawan)- Xubno ka tirsan Jabhadda Xoreynta Tigray ayaa ku dhawaaqay in ay xilalkii ay hayeen laga qaaday shan xubnood oo ka tirsanaa maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray, waxaana ka mid ah xubnaha xilka laga xayuubiyay madaxweynaha Gobolka Getachew Reda.
War-saxaafadeed kasoo baxay maanta garabka jabhadda Tigray ee heshiiska la gashay dowladda ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay usoo gudbin doonaan hoggaamiyaha bedeli doona madaxweynihii xilka laga qaaday.
"Masuuliyiinta maamulka ku meel gaarka ah, oo uu ku jiro Madaxweyne Getachew , xubnaha kale ee golaha wasiirada iyo madaxda xafiisyada, ma lahaan doonaan awood ay ku hogaamiyaan maamulka, go'aanno, ama awaamiirna kusoo saaraan hadda kadib" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka
Xubnaha kale ee xilka laga qaaday ayaa kala ah; Beyene Mekru, Professor Kindeya Gebrehiwot, Dr. Hagos Godefay, iyo Almaz Gebretsadq, oo ka mid ahaa xubnaha golaha wasiirada ee maamulka Tigray.



