Ankara (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in lasoo afjaro khilaafaadkii ka dhashay is-afgradkii horaantii sanadkan dhex maray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.
Heshiiskaan ayaa yimid kadib wareeggi seddexaad ee wadahadallada labada dal ee shalay ka dhacay magaalada Ankara, ayna ka qeybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, iyada oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.



