Kismaayo, 17 December 2025 (Dawan) – Magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya ayaa martigelinaysa shirweyne siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya, gaar ahaan siyaasiyiinta ku mideysan Madasha Mustaqbalka Soomaaliya.
Madashan ayaa kulmisa maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale garab ka mid ah Madasha Samatabixinta Qaranka, kuwaas oo la filayo inay shiran xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada mustaqbalka Soomaaliya, iyaga oo diidan hannaanka ay dowladdu dooneyso inay dalka uga hirgeliso doorasho qof iyo cod ah.
Sida qorshuhu yahay, shirkan ayaa si rasmi ah u furmi doona maalinta Khamiista ee soo socota, iyadoo wufuud kala duwan ay maanta oo Arbaca ah kusoo wajahan yihiin magaalada Kismaayo, sida uu kusoo waramay wariyaha Dawan Sakariye Xasan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filaya inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, waxaa magaalada kusoo wajhan Ra’iisul Wasaarradii hore ee Soomaaliya Saacid Shirdoon Saacid, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo door muuqda ku leh doodaha siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka.




