Nairobi (Dawan)- Kithure Kindiki ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Kenya. Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta (KICC) ee Nairobi, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyo madax kale oo sare.
Dhaarinta Kindiki ayaa timid kadib markii Maxkamadda Sare ee Kenya ay ka qaaday amarkii horay u hakiyay dhaarintiisa, taasoo ka dhalatay caqabado sharci oo uu soo gudbiyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore, Rigathi Gachagua, kaasoo bishii hore xilka laga qaaday kadib markii Baarlamaanka uu ku eedeeyay ku xadgudubka dastuurka iyo kicinta naceybka qowmiyadaha.
Kithure Kindiki, oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa loo magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub kadib markii Gachagua xilka laga qaaday.
Kindiki ayaa horey uga mid ahaa qareennada difaacay Madaxweyne Ruto xilligii dacwadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), taasoo ka dhigtay mid ka mid ah saaxiibbada dhow ee Madaxweynaha.



