Pretoria (Dawan)- Dowladda Koonfur Afrika ayaa ka digtay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ee loogu aqoonsaday dowlad ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu halis ku yahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid si cad ugu xadgudbaysa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in Pretoria ay si buuxda ugu dheggan tahay mabaa’diida Midowga Afrika ee ku saleysan ixtiraamka xuduudaha dalalka Afrika, taas oo ay ku tilmaantay tiir-dhexaadka ugu muhiimsan ee looga hortago colaadaha iyo kala-qaybsanaanta qaaradda.
“Aqoonsigan wuxuu si cad ugu xadgudbayaa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna halis weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka rasmiga ah.






