Baydhabo\ Dhuusamareeb (Dawan ) – Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka.
Madaxweynayaasha labada Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa noqday kuwa ugu horeeya ee iska diiwaan geliyay Baydhabo iyo Dhuusamareeb, oo ah xarumaha dowlad goboleedyadaas.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo ugu baaqay shacabka inay si buuxda uga qaybqaataan hanaanka doorashooyinka, gaar ahaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha. "Waa inaan is-diiwaangelino si aan u xaqiijinno sheegashadeena ah inaan nahay dadka ugu badan Soomaalida, oo kaliya sheego maahan, balse aan muujinno codkeena oo ay ka muuqato doorashada mustaqbalka ee saddexda heer,” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.



