Muqdisho, 17 Maarso 2026 (Dawan) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u joojisay dhammaan xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedaysay Muqdisho inay soo abaabushay “weerarro” lagu wiiqayo maamulka gobolka.
Shir jaraa’id oo ay maanta oo taariikhdu tahay 17-ka Maarso 2026 uu qabtay, ayuu afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ku sheegay in go’aankan uu yimid kadib baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay ee dowladda federaalka. Maamul-goboleedka ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay abaabushay isla markaana hubaysay waxa uu ku tilmaamay “maleeshiyaad aan la aqoonsan” oo xirnaa dareeska Ciidanka Qaranka, kuwaas oo ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.
“Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya wuxuu go’aansaday, kadib markii uu qiimeeyay arrimahaas oo dhan, in faragelintaasi ay wax u dhimayso midnimada iyo jiritaanka shacabka Koonfur Galbeed. Sidaas darteed, waxaa si toos ah loo joojiyay iskaashigii iyo xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidamada uu sheegay inay dowladda taageerto uu ku sifeeyay “canaasir la mid ah Al-Shabaab,” isagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay isticmaalayso hantida qaranka si ay u wiiqdo awoodda maamul-goboleedka. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay xubno gaar ah oo ka tirsan Golaha Wasiirrada federaalka, kuwaas oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, in loo adeegsanayo qalab lagu wiiqayo xasilloonida gudaha ee maamulka.







