Nairobi, 17 Maarso 2026 (Dawan) – Dowladda Shiinaha ayaa ogolaatay in badeecadaha beeraha ee Kenya la gayn karo suuqa Shiinaha iyada oo aan laga qaadin wax canshuur ah, taasoo bilaabaneysa 1-da May 2026. Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay kordhin doonto fursadaha dhoofinta, gaar ahaan badeecooyinka sida shaaha, coffee-ga, avocado, lowska , ubaxa, khudaarta iyo dhirta kale ee beeralayda Kenya.
Wasiirka Beeraha ee Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhalatay heshiisyo ganacsi oo labada dal dhex maray, isla markaana ay ujeedadu tahay xoojinta iskaashiga beeraha iyo kordhinta ganacsiga laba geesoodka ah.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in meesha laga saaray canshuurihii hore ee gaarsiisnaa 4% ilaa 25% ee badeecooyinkaas, kuwaas oo horay u yareyn jiray awoodda tartanka ee suuqyada Shiinaha.
Go’aankan ayaa la filayaa inuu dhiirrigeliyo maalgashiga beeraha ee la dhoofiyo, isla markaana kobciyo warshadaha diyaarinta iyo farsamaynta badeecooyinka beeraha.








