Barcelona, 17 Maarso 2026 (Dawan) – Orodyahanadda kasoo jeeda Itoobiya ee Fotyen Tesfay ayaa wacdaro ka dhigtay tartanka marathon-ka Barcelona, iyada oo ku guulaysatay tartanka isla markaana noqotay qofkii labaad ee ugu dhakhsaha badnaa taariikhda marathon-ka, iyada oo waqtiga orodka ka dhigtay 2:10:53.
Fotyen, oo 28 jir ah, ayaa ka adkaatay tartamayaal kale oo caan ah, waxaana kaalinta labaad gashay orodyahanadda ka socotay Kenya, ee Jepkosgei Kiplimo oo ka dambeysay ku dhawaad 8 daqiiqo, halka kaalinta saddexaad ay gashay orodyahanadda Itoobiya, Seynab Yemir.
Ka dib tartanka, Fotyen ayaa tiri: "Maanta wuxuu ahaa maalin cajiib ah. Waxa aan ku talo jiray in aan jebiyo rikoodhka caalamiga ah, laakiin dabaylo xooggan ayaa iga hor istaagay qaybtii ugu dambeysay ee tartanka. Ma aanan ku guuleysan maanta, laakiin tartanka marathon-ka xiga waan isku dayi doonaa mar kale."








