Soomaaliya, 16 Maarso 2026 (Dawan)— Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku soo rogay xayiraad degdeg ah dhammaan saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, iyadoo laga mamnuucay inay ka baxaan caasimadda kumeel-gaarka ah ee Baydhabo, sida ku cad amar ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha.
Amarka oo soo baxay maanta oo Isniin ah, ayaa la ogysiiyey maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Shaatigaduud in la joojiyo bixitaanka dhammaan saraakiisha ciidanka ilaa amar dambe.
War qoraal ah oo rasmi ah, Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa ku adkeeyay in xayiraadahan ay la xariirto "hawlgallo amni" oo hadda socda, kuwaas oo looga golleeyahay xasilinta maamul goboleedka.
"Dhammaan saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida ee lagu xusay dukumentigan waxaa lagu amray inay u hoggaansamaan awaamiirtan ilaa amar dambe oo rasmi ah laga soo saarayo," ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo lagu daray in tallaabooyinkan looga jeedo "in lagu xoojiyo laguna xaqiijiyo hawlgallada amniga ee hadda socda," sida ay sheegtay Wasaaraddu.








