Soomaaliya, 16 Maarso 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa oo Isniin ah tacsi u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kadib dhul-go’yo iyo fatahaado xooggan oo ka dhacay koonfurta Itoobiya, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 125 qof.
War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay iyo dadka ku barakacay masiibadan. “Soomaaliya waxay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Itoobiya xilligan adag,” ayaa lagu yiri qoraal ay Madaxtooyadu soo dhigtay barta X.








