Addis Ababa (Dawan)- Koonfurta Itoobiya, ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay Arbacadii kadib markii bas rakaab ah uu ku dhacay webi, sida ay sheegeen warbixinnada maxalliga ee dalkaas
Sida uu sheegay Inspektar Wolde Biliso, oo ah madaxa Qeybta Ka-hortagga iyo Xakameynta Shilalka Gaadiidka ee Waaxda Booliska Walayta Zone, 29 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka, kaas oo dhacay xilli basku uu ka amba-baxayay magaalada Walayta Sodo kuna sii jeeday gobolka Dauro.



