Muqdisho (Dawan)- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa shaaciyay in tirada muwaadiniinta qaadatay kaararka codbixinta ay gaartay ku dhowaad 200,000 oo qof, inkastoo tirada guud ee la diiwaangeliyay ka-qaybgalka doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ay ku dhowdahay hal milyan.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, oo ka jawaabayay su’aalo ay bulshada ka keeneen habsami u socodka diiwaangelinta iyo bixinta kaararka, ayaa sheegay in cabashooyinkii ugu badnaa ee la xiriiray kaararka aan la helin la xalliyay, inkastoo ay weli jiraan dad tiro yar oo aan weli qaadan kaararkooda.
Mid ka mid ah arrimaha ay dadweynuhu su’aalaha badan ka keenayaan ayaa ah in qof haysta shahaadada diiwaangelinta balse aan haysan kaarka codbixinta loo oggolaan doono inuu codeeyo. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aanka kama dambaysta ah uusan ahayn mid guddiga u yaalla, isla markaana xeerarka hadda jira aysan oggolaanayn in qofkaas uu codeeyo.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in haddii ururrada siyaasadeed ay ku heshiiyaan in dadka haysta kaararka ku-meel-gaarka ah ama shahaadooyinka diiwaangelinta loo oggolaado inay codeeyaan, guddigu uu diyaar u yahay inuu fududeeyo hirgelinta go’aankaas.





