Washington (Dawan) — Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa Sabtidii bilaabay safar rasmi ah oo uu ku marayo dalalka Masar, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, kaas oo soconaya ilaa 1-da Febraayo, isaga oo ay weheliyaan Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo mas'uuliyiin kale.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Landau uu Qaahira kula kulmi doono shirkado Maraykan ah oo dalkaas maalagashi ku leh sMasar, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Masar, si ay uga wadahadlaan iskaashiga la xiriira xal u helidda caqabadaha gobolka iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Washington iyo Qaahira.
Inta uu joogo Addis Ababa, Landau ayaa la filayaa inuu kala hadlo dowladda Itoobiya ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo ballaarinta fursadaha iskaashiga ganacsi ee Maraykanka, isaga oo sidoo kale kulan la yeelan doona mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, si ay uga wadahadlaan arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.
Sidoo kale, wuxuu la kulmi doonaa dalkaas, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, si ay uga wada hadlaan qodobo ay ka mid yihiin taageeridda nabadda, ballaarinta iskaashiga ganacsi, iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadantinimo.





